General Qaalib oo 24 Saac Gudohood Isaga Casiley Xil loo Magacaabay

HomeWararka

General Qaalib oo 24 Saac Gudohood Isaga Casiley Xil loo Magacaabay

Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka ayaa iska casilay 24 saac ka dib xil uu u magacaabay Madaxweynaha

Uhuru Kenyatta,”Barlamaanka Cusub ee Kenya Iimaanka Ayey La’yihiin”
GAALKACYO: 30- Saxafi oo Tababar loo soo xiray
Xildhibaan Fiqi Xukumadda Farmaajo eedeyaay

Jen. Jaamac Maxamed Qaalib oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidanka xooga dalka ayaa iska casilay 24 saac ka dib xil uu u magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Munaasabad ka dhacday habeen hore magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu Jen. Jaamac Maxamed Qaalib u magacaabay guddoomiyaha guddiga taakuleynta ciidamada qalabka sida.

Jen. Qaalib oo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay inuu ka cudurdaartay qabashada xilkaas, isla markaana uu arintaas ku wargeliyey Madaxweynaha.

“Kedis bay igu noqotay magacaabida xilkan, horeyna la iigalama tashan, sababta aan u diiday inaan qabtana waxay tahay arrimo kale oo ii gaar ah ayaan ku mashquulsanahay, waxayna ila noqotay inaanan waqti u heli karin qabashada xilkan” ayuu yiri Jen.Qaalib.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: