Xildhibaan Fiqi Xukumadda Farmaajo eedeyaay

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliyed ayaa waxa uu si kulul uga hadlay xiisada Siyaasadeed ee waqtigaan ka dhexjirta Golaha Shacabka iyo hogaankooda iyo arargtidiisa Siyaasadeed.

Mudane Fiqi ayaa sheegay in Xukuumadda ay weerar ama Ismiidaamin Siyaasadeed ku soo qaaday Baarlamaanka Soomaaliya,kadib markii 40 ka mid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Xildhibaano ah ay qeyb ka noqdeen dadkii saxiixay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.

“Runtii weerarka xukuumadda ku soo qaaday Golaha Shacabka waxaa kaaga cad markii la arkay 40 ka mid ah Wasiirada soomaaliya oo saxiixay mooshinkaas laakin an aheyn kuwo si iskood ah u saxiixay, balse ay Xukuumadda dabada ka riixeyso ayuu yiri Fiqi”

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in mooshinkaan uusan noqon doonin mid sii socda laakin uu fashil ku soo gaba gaboobi doono,kuwii ka dambeeyayna lala xisaabtami doono sharcigana lahorgeyn doono.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com