Al-shabaab oo weerartay Saldhig ay lahaayeen Ciidamada Jubbaland

Isniin, Juun 29, 2015 (Daljir)_ Ciidamo katirsan Alshabaab ayaa abaarihii saqdii dhexe ee xalay weerar ku soo qaaday raaca labaad ee ciidamada daraawiishta Jubaland ee ku sugan akadeemiyada Luglow.Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu ahaa mid xoogan oo qiyaastii socday nus saac.Ciidamada Jubaland ayaa iska caabiyay maleeshiyadii Alshabaab ee weerarka soo qaaday oo sida wararku sheegayaan ku tala gashanaa inay qabsadaan xerada ama khasaare culus gaystaan.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa KDF oo meel aan sidaas uga fogayn xero ku leh akadeemiyada, kama aysan qayb gelin dagaalkii Xalay.

Ciidamada Jubaland ayaa heegan buuxa kujiray kana warhayay in weerar ku soo socdo kadib markii laga warhelay in maleeshiyo farabadan oo katirsan Alshabaab isku soo aruursadeen aaga Cabdile biroole,waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in maleeshiyo katimid dhanka Baardheere ee soo xoojiyeen kuwii horay usii joogay Jubooyinka.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa Bishan Ramadaan kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan xarumaha ciidamada dowlada iyo kuwa AMSIOM iyagoo laba weerar oo culculus oo ay qaadeen khasaare badan ku gaadhsiiyay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo Itoobiya.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com