
Garbohaarey, December 25, 2013 – Meleteriga huwanta ah ee dowladda iyo kuwa Ehellusuna iyo kooxda Al-shabaab ayaa guulo kala duwan ka sheegtay dagaalkii shalay ka dhacay gobolka Gedo, in kastoo ay maanta degan tahay xaalada degmada Garbohaarey.
4 qof ayaa ku dhintay dagaalka, waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo ka dhashay dagaalkii shalay.
Sheikh Xuseen Maxamed Al-qaadi oo ah afhayeen u hadlay ehellusuna aya sheegay in ay dagaalka ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, wuxuu xaqiijiyey in hal ruux ka dhintay dhinacooda dhaawacna uu jiro.
Kooxda Al-shabaab ayaa iyana dagaalka ka hadashay, war la dhigay bar ay internetka ku leeyihiin kooxdu ayaa lagu sheegay in dagaalkaas lagu dilay Askar ka tirsan kuwa dowladda iyo ehellusuna.
Al-shabaab waxay kaloo warkooda ku sheegeen inay gubeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin huwantu.
Gobolka Gedo ayaa ku jira meelaha ugu daran ee ay isku haystaan Al-shabaab iyo ciidamada dowladda, gobolkaas waxaa ku sugan meleteriga Soomaaliya, Ehellusuna oo dowladda taageerta, meleteriga itoobiya iyo ciidamo ka tirsan AMISOM.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Dhegeyso: – Afhayeen Sheikh Al-Qaadi oo u waramay Jaamac Cabdiraxmaan oo daljir ka tirsan
FAALLOOYIN & FALCELIN