Soomaaliland oo sugtay amniga Burco iyo culimada Togdheer oo ku baaqay wada-hadal (Dhegeyso)

Burco, December 25, 2013 – Maamulka gobolka Togdheer ee Soomaaliland ayaa si cad u shaaciyey in guul laga gaaray xasaridihii dhowaan ka dhacay Burco oo ay dadku ku dhinteen, markii halkaas uu ka qarxay mudaharaad ka dhashay taliye la bedelay.

Gudoomiyaha Burco Axmed Cabdullaahi Xaaji Xamarji oo u waramay radio daljir, waxaa uu sheegay in boolisku ay sugeen amaanka isla markaasna maamulka gobolku ay la hadleen dadweynaha Burco, iyagoo ugu baaqay inay is dejiyaan.

Axmed Xamarji ayaa sheegay inay ka hortegi doonaan qalalaasaha noocaas oo kale ah inay dhacaan hadda kadib, wuxuuna beeniyey wararka sheegaya in arin qabiil ay ku salaysnaa mudaharaadkii dhowaan dhacay.

Docda kale, Qalaalaasihii? dhowaan ee gobolka Togdheer gaar ahaan magaalada Burco ayaa laga soo saaray baaq khuseeya in xasiloonida la dhowro, culimada Burco oo shalay shiray ayaa soo saaray qodobo dhowr ah.

Culimada ayaa warkooda qoraalka ku sheegay in loo baahan yahay in wada-hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo guud ahaan xaalada ka jirta gobolka Togdheer ee siyaasada ku salaysan.

Hal qof ayaa ku dhintay rabshadihii Burco ee dhacay Isniintii, weerarkaas waxaa ku dhaawacmay ilaa 4 ruux oo isugu jira rayid iyo boolis, Burco ayaa inteeda badan laga banaan baxay markii la casilay taliyihii hore ee booliska Soomaaliland ee gobolka Togdheer.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Dhegeyso: – Gudoomiye Axmed Xamarji oo u waramay Faadumo Taxadar oo daljir ka tirsan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com