HomeUncategorized

300 oo askari oo maanta tababar uga furmay kulliyada tababarka ciidamada ee Carmo.

Carmo, Jun 08 - Sadex boqol oo askari oo ka mid noqonayaa ciidamada booliiska Puntland ayaa maanta tababar uga furmay kuliyada tababarka ciidamada ee Carmo.

Arday ka qalinjabisay Machadka Culuumta Caafimaadka ee Bossaso oo helay waxbarasho jaamacadeed ee dalka Sudan. Dhegaysi …
M/weyne Shariif iyo wafti uu hoggaaminayo oo ka qaybgalaya shirka wadamada Islaamka.
Barlamaanka Puntland oo go’aamo ka soo saaray meqaamka Muqdisho (Akhriso)

Carmo, Jun 08 – Sadex boqol oo askari oo ka mid noqonayaa ciidamada booliiska Puntland ayaa maanta tababar uga furmay kuliyada tababarka ciidamada ee Carmo.

Ciidanka oo tababarku u socon doonaa muddo sannad ah ayaa lagu wadaa in ay kaalin fiican ka qaataan sugidda iyo adkaynta amniga ee gobollada Puntland.

Furitaanka munaasabada ayaa waxaa ka qaybgalay wasiiirada Amniga, maaliyada, iyo Kaluumaysiga ee Puntland; waxaa kale oo goobjoog ka ahaan taliyaha ciidamada Daraawiishta ee Puntland.

Madaxada munaasabada furtiaanka ka qaybgalayaa ayaa ciidanka tababarka u bilawaday ku booriyey in ay si wanaagsan uga faaii’daystaan tababarka la siinayo si ay musaqbalka iyana meel ku gaaraan, bulshadana ay wax ugu taraan.

Kuliyada tababarka ciidamada ee Carmo ayaa waxaa hore uga baxay dhawr dufcadood oo ciidamada bilayska ah kuwaasoo isugu jiray askar loo tababaray dawlada federaalka iyo dawlada Puntland.

C/risaaq Xasan Cabdi,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: