Qaddarin iyo xusuus: Warbixin ay noloshii Ilkacase ka qortay hay’adda Interpeace.

Nabad, dulqaad, caddaalad, iyo horumar jacayl ayaa aas aas u ahaa mabaadii?da qofnimo ee uu Eebbe ha u naxariistee Maxamed Yaasiin Ciise oo loo yaqiin Ilkacase, oo Arbacadii ay bisha April ahayd 6da shirqool maleegan lagula dilay magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Qoraalkan oo dheeraa ayaa ay warbixintu sidoo kale ay ku sheegtay in uu Eebbe ha u naxariistee Ilkacase uu u ololayn jiray nabadda, iyo dimuqraadiyadda, isla markaana yididiilladii noloshiisa ay ku sii maragkacayso sida ay bulshadiisu uga go?aan gaadhaan mustaqbalkooda.

Ilkacase wuxuu ku hadhi doonaa, laabaha intii uu u dabranaa, riyadisiina waxaa sii ambaqaadi doona saaxiibbadiisa dunida oo dhan jooga, sidaana waxaa yidhi madaxa hay?adda Cilmi Baadhista Puntland PDRC C/raxmaan Cabdulle Cusmaan Shuuke.

Maxamed Yaasiin Ciise Ilkacase waxa uu ku biiray jabhaddii SSDF siddeetamaadkii, waxana uu gobollada waqooyi bari dib ugu soo noqday sannadkii 1991kii markii ay dowladdii Soomaaliya burburtay.

Markaana waxa uu noqday Kamarad duube, si gaar ah diiradda u saarayay soo saarkiisana ku bandhigayay dadaallada guud ee nabadda dalka iyo gaar ahaan tan gobolka, sida shirarkii nabadda ee dib u heshiisiinta Soomaalida, waxa uu mudadaas Ilkacase socdaallo ku tagay qaybo kala duwan oo dalka ah iyo dibaddab, isagoo ka heley afkaar horumarsan, taasina caannimo dheeraad ah ayaa uu ka sii dhaxlay.

Markii ay Interpeace xafiisyo ka furatay gobolladii waqooyi bari gaar ahaanna magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe, iyo Bosaso sannadkii 1996dii waxa uu Eebbe ha u naxariistee Ilkacase qarka u istaagay agaasinka hawlaha hay?addaas ee Puntland, taasoo sabab ay u ahayd hufnaantiisii qofnimo, waxana loo qaatay shaqaale hoose

Balse dulqaadkiisii iyo danayntiisii qofnimo waxa ay ku qaadday in uu si dhaqso ah u dhiso aqoontiisii hawshaas aaddanayd, ilkacase kuma aanuu koobin dib u habayntiisii aqooneed xisaabaadka oo lagu qaadanayay qaabka tabinta fog, balse wuxuu hore ugu dhaqaaqay hawsha maamulka iyo quluubtaa saaxiibadii ay shaqo wadaagga ahaayeen.

Toban sano kaddib Ilkacase waxa uu noqday agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee hay?adda cilmi baadhista iyo horumarinta Puntland ee PDRC, waxana uu si durugsan ugu xeel wacnaaday xirfadda cilmi baadhista iyo taxliilinta, waxa uu ahaa Eebbe ha u naxariistee Ilkacase hoyga awoodeed ee hawlaha nabad yagleelidda iyo dimuqraadiyadda ee PDRC, interpeace iyo ururo kale oo maxalli ah, hawlahaas uu hayay oo adkaa haddana ilkacase waxa uu ku faraxsanaa shaqada uu hayay.

Eebbe ha u naxariistee Ilkacase waxa uu ahaa abaabule nabadeed, oo ay addinkiisa iyo afkiisuba si aan gabbasho iyo cabsi lahayn u gaadhayeen, maamul, shicib, cuqaal, madaxweynayaal, iyo xataa maleeshiyaad, hawlahaas uu hayayna run iyo kalsooni ayaa ku dheehnaa.

Sannadkii hore waxa uu Ilkacase tagay magaalada Hargeysa, si uu kormeero doorashooyinkii madaxtinnimo ee Somaliland, waxana uu ka qoray khirbraddiisii, maqaalkaasina waxa noqday mid laga jeclaystay Somaliland, oo wargeysyda Hargeysa ka soo baxa ay aad u daabeceen, isla Puntland-na maqaalkaas si badan ayaa looga akhristay, qeexnaantaas Ilkacasena waxa ay farxad glisay saaxiibbadiis, iyo aqoonyahankaba, kuwaas oo qiray horumarka la xaqiiqsan karayay ee uu marxuum Ilkacase 10 sano sameeyey, falcelisyadii qormadaas qaarkoodna waxa ay tilmaameen sida uu qalinka Ilkacase hubanti qaab hufnaan ah u higsanayay qormooyin tallaabo dheereeya.

Qormadiisu waxa kale oo ay tusmo u ahayd, sida uu Maxamed Yaasiin Ciise Ilkacase waxqabadkiisa ugu taageerayay nabad, iyo dimoqraaddiyad ka dhex hirgasha bulshada Puntland, iyo Soomaalida inteeda kaleba.

Dilka xaqarrada ah ee Eebbe ha u naxariistee Ilkacase waxa uu taariikhda ku galayaa dhammaadkii Xishoodka, waxana ay darsi adag u tahay bulshada iyo hoggaanka Putland, iyo guud ahaanba gobollada Soomaaliyeed, waxana ay raadreeb xun ku tahay dhaqanka xilli tagay iyo gooraha la joogaba, cawaaqib darrana waa mid ku reebi karta shaqsi, koox, iyo bulshaba qarnigan 21-aad taasoo utun ku ahaan karta nabadda iyo dimuqraaddiyadda, sida falxumadii uu noloshiisa ku waayay Eebbe ha u naxariistee Maxamed Yaasiin Ilkacase.

Hiigsigiisii, kalsooni iyo sammo wax u araggiisii, dulqaadkiisii, iyo naxariis badnidiisii, iyo waa sababta damaqa xanuunka leh ee geeridiisu ay ku reebtay cid kasta oo ay isla shaqeeyeen, taqaannay, oo jecleyd.

Interpeice iyo saaxiibadeeda nabadda ay ka wada shaqeeyaan, xarunta horumarinta iyo cilmibaadhidda Puntland, ee PDRC, xarunta cilmid baadhidda iyo wadatashiga ee CRD, iyo akadeemiyadda nabadda iyo horumarka oo ay xarumohoodu kala yihiin Garowe, Muqdisho iyo Hargeysa, waxa ay dareen naxdin anfariir, qalbi damqasho, iyo argagax badan kaga xun yihiin dilkii naxdinta lahaa loo gaystay Maxamed Yaasiin Ilkacase oo ahaa agaasimaha maamulka iyo xisaabaadka ee PDRC, waxana ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelladii iyo asaxaabtii uu ka baxay Eebbe ha u naxariistee Maxamed yaasiin Ilkacase.Dhammaan milkiilayaasha, maamulka, iyo shaqaalaha idaacadda Daljirna tacsi murugo leh waxa ay gaadhsiinayaa dhammaan ehelladii, asaxiibtii, intii aqoonta u lahayd, gaar ahaan shacabka reer Puntland, iyo guud ummadda Soomaaliyeed, waxana aan Alle uga baryaynaa marxuumkaasi in uu jannadiisii fardowsa ka waraabiyo.

Waxa tarjumay Adam Shardi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com