KALIGITALIYE ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO U DABAALDEGAY 45 GUURADII XISBIGIISA RPP

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

KALIGITALIYE ISMAACIIL CUMAR GEELLE OO U DABAALDEGAY 45 GUURADII XISBIGIISA RPP

XIsbi xakiimka talada haya ee dalka Jabuuti,  ayaa qabtay shirweyne aan caadi ahayn oo lagu xusayo sannadguuradii 45-aad ee asaaskii Xisbiga RPP. R

GARACAD OO AY KU SOO BADANAYAAN MARAAKIIBTA CONTAINERSHIPS
Afhayeenkii Guddiga Xulista Barlaamanka Xilligii Faroole oo Doorashada PL 2019 ka hadlay (dhegayso)
GALMUDUG: U kala eexan maayo reer Puntland & reer Galmudug

XIsbi xakiimka talada haya ee dalka Jabuuti,  ayaa qabtay shirweyne aan caadi ahayn oo lagu xusayo sannadguuradii 45-aad ee asaaskii Xisbiga RPP.

RPP waa xisbiga kaliya ee talada hayey tan iyo xornimada Jabuuti, haatanna uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ahna hoggaamiyaha  siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka Jabuuti.

Intaa waxaa dheer asaasihii RPP Xasan Guuled Abtidoon wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray qaabeynta xisbiga iyo siyaasadda Jabuuti waxa uuna noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle oo dhaxlay kursigii Abtidoon waxa uu xukunka hayaa tan iyo  sannadkii 1999 asaga oo xilka kala wareegay adeerkii Xasan Guuled Abtidoon oo uu u qaabilsanaa dhinaca amniga iyo sirdoonka qaranka.

Xisbiga RPP wuxu  siyaasadda dalka gacanta ku hayey tan iyo  markii la asaasay sannadkii 1979-kii, laga soo bilaabo sannadkii 1981 ilaa 1992  dalka Jibuutina waxaa  ka jiray nidaam hal xisbi ah oo kaliya ahna ‘Rassemblement Populaire pour le Progrès (RPP).

Sannadkii 1992 dastuurka Jabuuti oo wax laga badalay waxaa  si rasmi ah loo daahfuray nidaamka siyaasadeed ee xisbiyada badan kaas oo oggolaaday tartanka afar xisbi siyaasadeed.  Nasiibdarro siyaasadda xisbiyada Jabuuti waxba iskama badelin, walina dalka waxa lagu maamula nidaam siyaasadeed oo ah hal xisbi oo kaliya, waana kan Ismaaciil Cumar Geelle ee haatan talada dalka haya, waa kan ugu awoodda badan dalka.

Dhamaan awooddaha fulinta ee dalka waxay gacanta ugu jiran Madaxweyne Ismacil Cumar. Muddo xileedka madaxweynimo ayaa ah  muddo shan sano ah marka loo eego dastuurka jabuuti ee hadda jira; laakii. Madaxweyne Geelle wuxu markii shanaad la isku doortay sannadkii 2021. Muddo 25 sano ah shanta  doorasho ee Jibuuti ka dhacay Geelle marnaba ma qaban doorasho  xor iyo xalaal ah.

Mucaaradka Jabuuti oo arkay foolxumada siyaasadda Geelle ayaa ah kuwo inta badan qaadaca doorashooyinka Jabuuti.

Xisbiyada mucaaradka Jabuuti iyo kooxaha difaaca xuquuqda aadanaha ayaa la kulma xayiraad, cabudhin iyo waliba xadhig. Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo dawlado badan oo ay ka mid tahay dawlada Maraykanka waxay xukunka Ismaaciil Cumar Geelle ku dhaleeceeyaan ama ku tilmaamaa xukun kaligitalisnimo.

Muwaadiniinta Jabuuti, marka laga reebo kuwa taageero xisbi xakimka ama ka agdhow nidaamka Ismaaciil Cumar, magaca Geelle wuxuu la mid yahay kaligitaliye.

Ismaaciil Cumar Geelle taliskiisu wuxuu si joogto ah oo aan xishood iyo xuquuq toona lahayn ugu xadgudbaa xuquuqul insaanka iyo xoriyada madaniga ah ee shacabka iyo siyaasiga ka aragti duwan Ismaaciil Cumar Geelle.

Bishii Abriil ee sannadkii 2021, Geelle  wuxu qabtay waxa magac ahaan lagu tilmaami karo doorasho, laakiin waxa ay ahayd isdoorasho uu Ismaaciil iskiis u kororsaday xukunka, mar shanaadna isku doortay Madaxweynaha Jabuuti.


WQ: Mohamed Hadi Gafdiid | X: @MoHadiGafdiid


 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: