Yoonis Cali Faarax oo loo magacabay guddoomiyaha gobolka Karkaar.

Garowe, May 05 | Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa si ku meel gaar ah lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka Karkaar Yoonis Cali Faarax oo hore u ahaa ku xigeenkii guddoomiyihii hore marxuum Yaasiin Siciid Xuseen oo todobaad ka hor ay kooxo hubaysani ku dileen tuulada Dhudhub ee goolka Karkaar.

Wareegtada oo ay taariikhdeedu ahayd 4-tii bishan ayaa waxaa ku sixiisnaa M/weynaha Puntland C/raxamaan Maxamed Faroole.

Wareegtada ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa u dhignayd sidan:


Waxaa xafiiska Madaxweynaha DGPl ka soo baxday xeer Madaxweyne oo Lambarkiisu yahay 28,kuna taariikhaysan 30.04.2009.
Xeerkan ayaa waxa ku saxeexnaa Madaxweynaha DGPl Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.

Hadaba xeerkan ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

Xeer Madaxweyne Lr28.30 April 2009 kuna saabsan Magacabid guddoomiye ku meel gaar ah eel Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54aad faqradiisa 19aad,

Markuu arkay: Geerida ku timid Guddoomiyaha Gobolka karkaar

Markuu la tashaday: Madaxweyne ku xigeenka DGPL.

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Yoonis Cali Faarax oo ahaa ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Karkaar si ku meel gaar h loogu magaacaby guddoomiyaha gobolka Karkaar inta guddoomiye cusub laga soo magacaabayo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com