Yaab Badanaa! (dhegayso: Dhallinyaro Shabaaboow Shufta ah …)

Yaab badanaa:

  • Dhallinyaro shabaaboow shufta ah sheerna kala qaata

          oo nin sheegaaya jirin qolana kuu sheegan

          oo aan sharcigu qaban karin shalay ma soo joogtay!

  • Shayb oday ah oo boqolkii sano shibirro sii dhaafayOo shiqaaqo labo reer dhaxdood showlad ka afuudayOo qabiilo shaarka u huwaday shalay ma soo joogtay!

Gabaygu waa Jid Muhiim ah oo Soomaalidu fikirkooda ku Cabbirto

Soomaalidu waxay caan ku tahay dhaqan, fac weynna u leedahay badweyn suugaameed oo siyaabo badan loo adeegsado, lehna noocyo kala duwan, siiqo loo tiriyo iyo siyaabo loo raaco raadkeeda murti ahaaneed.

Suugaantaasi Soomaalidu caanka ku tahay waxay iskugu biyo shubtaan murti magaca iyo miraha ay ka koobantahayba ku kala duwan, waxaana ka mid ah Gabayga, Geeraarka, maansada iyo guurawga, waxaana kale oo weheliya heesaha oo leh kuwo dhaqan, kuwo hawleed, kuwo laxamaysan iyo buraanburka oo si gaar ah loogu gooni-yeelo haweenka iyo kuwo kale oo badan.

Inta badan suugaantaas Soomaalidu waxay u adeegsadaan hadba qaddiyadaha taagan ama arrimaha maankooda ka guuxaya, iyaga oo ujeedadu tahay in ay fikirkooda ku cabbiraan hab suugaaneed, taas oo ay ku baddelanayaan habkii kale ee tiraabta.

Gabaygu waa tiir muhiim ah Soomaalidu ay ku himilayso cabiridda aragtidooda colaad iyo nabadba, waana midka ugu facweyn suugaanta Soomaalida, uguna miisaan culus miro ahaan iyo meelaha lagu wajaho intaba.

Gabaygaan kooban, ahna dhawrka tuduc waxaa tiriyey mar aan fogayn gabyaa Soomaaliyeed, waxaana uu ku cabbirayaa fikirkiisa ku aadan arrimaha Soomaaliya iyo siyaadooyinka uu milicsaday.

Hoos ka dhegayso


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

2 responses to “Yaab Badanaa! (dhegayso: Dhallinyaro Shabaaboow Shufta ah …)”

  1. Abdirahman

    0907626056

  2. Abdirahman

    faallo waxaan aad u taageeraa madaxweyne farmaajo iyo sidookale madaxda kale ee somalida

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com