Xulka gobolka Sool oo ka baxay garoonka & guddiga ciyaaraha oo ku hawllan soo celintooda.

Garowe, Dec 22 – Xulka kubadda cagta ee gobolka Sool ayaa mar dhaweyd iska baxay garoonka iyadoo aysan wali dhammaan ciyaartii u dhaxaysay iyaga iyo xulka gobolka Bari.

Wariyaasha idaacadda Daljir oo ku sugan garoonka ayaa soo sheegaya gabi ahaanba ciyaartooyga gobolka Sool in ay bannaanka uga baxeen garoonka, isla markaana haatan guddi ciyaaruhu ay ku hawllan yihiin sidii loo soo celin lahaa.

Wariyaashu waxay soo sheegayaa ka bixiddoodu in ay ka danbaysay kadib markii garsoorka ciyaartu ay ku diideen banoon birta goolka ku dhacay oo ay kooxdu ku adkaysteen in uu dhashay.

Xulka gobolka Bari ayaa hadda kaligeed dhax ciyaaraya garoonka, waxaana la filayaa isla hadda xallinta arrintaas in lagu guulaysto sida guddiga ciyaaruhu ay sheegeen.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacada Daljir. http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com