Xukuumada oo meel-marisay heshiis meleteri oo ay galeen gaashaandhiga Soomaaliya iyo Talyaaniga

Muqdisho, October 17, 2013 – Gollaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta meel-mariyey heshiis caalami ah oo ay galeen dowladdaha Soomaaliya iyo Talyaaniga 17 september ee ina dhaaftay, heshiiska oo ah mid meleteri ayaa ah mid balaaran.

Kulanka gollaha wasiirada oo uu shir gudoominayey ra?isal wasaare Saacid ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray meel-marinta heshiiska, qorshe cusub oo dowladdu ku horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo weliba amniga.

Gollha wasiirada waxay sheegeen in ay soo dhowaynayaan isla markaasna ay ogol yihiin in la sii amba qaado heshiis ay magaalada Rome ku gaareen wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Soomaaliya iyo Talyaaniga, heshiiska ayaa lagu sheegay in ciidamada Soomaaliya lagu tayayn doono.

Wasiirka Soomaaliya mudane Fiqi waxaa uu gollaha ka sheegay in heshiisku dhigayo tayeynta, qalabeynta iyo iskaashiga dhanka amniga iyo weliba cilmi baarista arrimaha Millateriga. Dowladda Talyaaniga waxay Soomaaliya ka caawinaysaa horumarinta ciidamadda sida wasiirku sheegay.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa heshiisyo dhowr ah la gashay qaar ka mid ah dalalka caalamka, heshiisyada horumarinta meleteriga ayaa ah kuwa sii kordhaya marka laga yimaado heshiiska dhowaan ay la gashay talyaaniga waxaa jira mid kale oo isna ay dowladdu kula jirto Turkiga kaas oo dhigaya horumarinta ciidanka Soomaaliya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir ?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com