Xukuumada iyo Baarlamanka Soomaaliland oo loogu baaqay in ay faraha kala baxaan awooda Garsoorka

Hargaysa, December 26, 2013 – Ururrada bulshada rayidka ee qareenada Soomaaliland ayaa walaac ka muujiyey sida ay ku socdaan howlaha garsoorka maamulkaas xiligan la joogo, ururka Qareenada ee Soomaaliland ayaa u baaqay xukuumada iyo xeer dejijnta.

Ururka qareenada Soomaaliland SOLLA, waxay sheegeen in awoodii garsoorka dalka ay kala qaybsadeen xukuumada iyo golaha xeer dejinta ama baarlamanka, waxay ku baaqeen in awooda Garsoorka dalka faraha lagala boxo.

Foosi sheikh Yoonis oo madax u ah ururka qareenada Soomaaliland waxaa uu sheegay hadii garsoorka awoodiisa la dhowro in ay taas sahlayso in ay cadaalad helaan dadka rayidka ah oo ah kuwa la doonayo in garsoorku u adeego.

?Garsoorka Soomaaliland ma madax-banaana xiligan la joogo, waxaa kala qaybsaday xukuumada iyo golaha sharci dejinta, hadii sharcigu sareeyo qof kasta cadaalad ayuu ku helayaa halkiisa, laakiin hadda sida wax ku socdaan ma haboona.? Ayuu yiri Foosi sheikh Yoonis

Khilaafka u dhexeeya baarlamanka Soomaaliland ayaa muran geliyey heerka awooda garsoorka ee deeganada maamulkaas, SOLLA waxay sheegeen in khilaafka u dhexeeya baarlamanka uu yahay mid ku salaysan sharciga isla markaasna la gaaray xiliga ay kala adkaan lahaayeen sharciga iyo siyaasadda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com