Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dowladda Kenya isku dhibay

Jimco, May 29, 2015 (Daljir) — Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dalka Kenya ayaa Maanta shaacisay in Ugu yaraan 85 qof oo xagjiriin ahaa ay isku soo dhiibeen Dowladda Kenya iyagga oo ka fa’ideysanaya Cafis ay hore u fidisay Dowladda Kenya.

Dhalinyaradda isa soo dhiibtay waxa imminka barnaamij dhaqan celin ah looga bilaabay Xarunta ka hortagga Argagixisadda Qaranka Kenya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya Mwenda Njoka ayaa yiri inkastoo ay dhamaatay Waqtigii Cafiska ay dowlada fidisay hadana waxa weli jira Dhalinyaro si iskood ah isugu soo dhiibaya Masuuliyiinta Dowlada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Kenya ayaa ku dhawaaqday 10 cisho oo Cafis Dowladeed ah oo ay dadka isku soo dhiibi karan kadib markii la weeraray Jaamacadda Garissa 2 april Ee Sanadkan.

Isla bishii April  24 Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa 14 cisho ku kordhiyay mudadii La siiyay in dadka xagjiriinta ay isku soo dhiibi karan.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com