Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Barca fkf Santos iyo Neymar oo aan War u hayn (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Barca fkf Santos iyo Neymar oo aan War u hayn (dhegayso)

Kooxda Arsenal iyo Chelsea ayaa ciyaar xiiso badan ku yeeshay garoonka xulka qaranka Ingiriiska ee Wembley, koobka loo yaaqaan Community Shield. Kooxda Chelsea ayaa inta badan kubadda laga haystay waxayna u muuqatay in tabaraha Arsenal uu dardaaran xoogan siiyay ciyaartoydiisa kahor bilaabashada horyaalka ingiriiska.

Khilaafka kooxaha Barcelona iyo Santos ee heshiiskii Neymar Jr uu ugu soo biiray sanadkii 2013 kii ayaa sii xoogaystay ayada oo kooxda reer Brazil doonaysa in Barca ay bixiso lacag gaaraysa 13 milyan euros taas oo laba qaybood ka kooban, waa sida warbixinta lagu sheegay e. Saas oo ay tahay Neymar ayaa nolol cusub la bilaabay PSG hadana ku damaashaadaya Paris, wax war ahna aan ka hayn khilaafkan cusub ee u dhexeeya Santos iyo Barca.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com