Xoogagga Al-shabaab iyo meleteriga huwanta oo dagaal khasaare badan ku dhexmaray Ceelasha biyaha

Arbacow, October 14, 2013 – Ururka Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, halkaas oo khasaare daran ka dhashay.

Iska hor imaadka ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha ee gobolka shabeelaha hoose ayaa u dhexeeyey xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo taageero ka helaya AMISOM, khasaaraha ayaa isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida aan wararka ku hayno.

Warka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Arbacow ee ku dhow Ceelsha biyaha, warar ayaa sheegaya in ay dhinteen 5 ruux oo labbada dhinac ah, balse tirada intaas ay ka badan karto, goob-joogayaal ayaa sheegay in ay arkeen geerida Afar ruux oo dhintay.

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalkii xalay ahaa mid qorshaysan oo ay la eegteen fariisimo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ku leeyihiin deegaanka ceelasha biyaha, ururka waxay sheegeen in ay khasaare ku gaarsiiyeen ciidamada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com