Xoghayaha Guud ee QM oo sheegay in dib loo bilaabayo hawlgalkii kormeerayaasha jaamacadda Carabta ee Suuriya.

New York,Feb 9- Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-moon ayaa sheegay in ururka jaamacadda Carabta uu qorsheynayo in uu dib u hawlgeliyo kooxdii kormeerayaasha ahayd ee kuurgelaysay xasaradaha ka jira gudaha dalka Suuriya,waxana Mr Ban intaa ku daray in ururka Carabtu uu doonayo in kooxda kormeerayaasha lagu biiriyo ergo ka socota qaramada midoobey.

Ban Ki Moon ayaa sidoo kale sheegay in fashilkii golaha ammaanka ee qaramada midoobey ee ku aadanaa in go?aan laga qaato nidaamka Suuriya uu sababay masiibada ka socota dalka Suuriya, iyo in uu ku dhiirigeliyo Dimishiq in ay kor u qaaddo dagaalka ka dhanka ah dadkeeda.

Beesha caalamka ayaa raadinaysa qaabka loo waajahayo mashaqada Suuriya , kaddib markii Russia iyo Shiinuhu ay hor istaageen qaraarkii golaha ammaanka ee qaramada midoobey ee ka dhanka ahaa nidaamka Suuriya, oo ku baaqayey in madaxweyne Assad uu xilka iska wareejiyo.

Ciidamada Suuriya ayaa weli sii wada dagaalkii magaalada Ximsi ee ay ku xooganyihiin kooxaha kacaan-wadayaasha ah ee ka horjeeda nidaamka madaxweyen Assad.
Boqolaal qof ayaa ku dhintay Ximsi , maalmihii ugu dameeyey , kaddib markii daabbaabadaha Suuriya ay duqaymo culus u geysteen magaaladaasi,iyadoo laga dayrinayo xaaladda caafimaad iyo midda nololeed ee dadka ku nool halkaasi.

Maraykanka ayaa ku gacansaydhay baaq ka yimi dhinaca dalka Ruushanka oo ku aadaana in wadahadal ay galaan mucaaradka iyo dowladda Suuriya, waxana afhayeen u hadlay aqalka cad uu sheegay in madaxweyne Assad uu dhumiyey fursaddii wadahadalada.

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com