Xog-haynta cusub ee degmada Buurintle oo ka hadlay howlo shaqo oo ay qaban doonaan (Dhegeyso)

Buurtinle, September 10, 2013 – Degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa yeelatay xog-hayn cusub oo dhanka degmada ah, kadib markii dhowaan uu xilkii iska casilay xog-hayihii hore ee degmadaas.

Maamulka degmada ayaa shaaciyey in xilka xog-haynta degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal loo magcaabay Xaafid Cabdirisaaq Axmed, waxaana uu isla maanta shir la qaatay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada.

Xaafid Cabdirisaaq oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in shirkii maanta uu la qaatay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada uu kala hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya howl-baahinta shaqada, balse wuxuu sheegay in shirka intiisa badan diirada lagu saaray xog waraysi.

Docda kale Wuxuu sheegay in qorshaha ay ugu jirto in uu maamulka dowladda hoose uu la dar-dar geliyo shaqada guud ee degmada oo haatan ku socota si wanaagsan iyo horumar balaaran oo la sameeyey sida uu hadalka u dhigay.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Dhegeyso:- Waraysi Iimaan Maxamed Jaamac oo Daljir tirsan la yeeshay xog-haynta cusub ee Buurtinle


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com