Xisbiyada Mucaaradka Somalilalnd iyo Xukuumadda Siilaanayo oo Shirar ku leh Hargaysa

Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) —Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa Waxaa si rasmi ah uga furmay maanta wadahadallo u dhaxeeya asxaabta mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah.

Kulankan ayaa waxaa furay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, wuxuuna hadal kooban oo uu jeediyay ku sheegay inuu ku kalsoon yahay in hoggaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafadka ay ku heshiin doonaan wax Somaliland dan u ah, laguna soo af-jarayo khilaafka taagan.

Wadahadalladan Waxaa dhinaca Xisbiga Talada haya Hoggaaminaya Guddoomiye xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, dhinaca xisbiyada mucaaradka ahna waxaa hoggaaminaya labada guddoomiye, C/raxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Shirkan ayaa daba-socda baaq uu madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo kaga dalbaday xisbiyada mucaaradka ah in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo xalliyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22-ka bilood ah ee ay Golaha guurtidu xilliga ugu kordhiyeen xukuumaddiisa.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com