Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

HomeWararka

Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo gaaray Gaalkacyo

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo safar uga soo amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa soo gaaray

Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Khartuum
Kenya oo soo bandhigtay sawirka sarkaal ka tirsan Shabaab oo loo haystay in uu ku jiray gacanta sirdoonka DFS
Ciidamadda Dowladda oo howlgalo ka sameyeey Shabeelaha Hoose

Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug oo safar uga soo amba baxay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo, waxaana duleedka magaalada ku soo dhaweeyay xildhibaano, maaamulka degmada iyo qeybaha kale duwan ee bulshada.

Masuuliyiintaan ayaa ujeedka safaarkoodu ahaa u kuurgalida xaaladda bulshada Galmudug,iyagoo kulamo la qaadan doona shacabka ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Duqa degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre,xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ayaa magaalada ku soo dhaweyay wafdigaan.

Xildhibaan Axmed C/risaaq (Qamsa) ayaa masuuliyiinta iyo shacabka uga mahadceliyay sida sharafta leh oo ay usoo dhaweeyeen, taageeradana ugu muujiyeen , wuxuuna tilmaamay inay astaan u tahay fahamka dowladnimo ee bulshada degmada Gaalkacyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: