Alshabaab oo werararay saldhigyo ay ku sugnayeen Ciidamada Amisom

HomeWararka

Alshabaab oo werararay saldhigyo ay ku sugnayeen Ciidamada Amisom

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano

Hordhac: Dooda CES, Qabashada doorasho xasiloon oo la isku raacsan yahay | Fursaha iyo caqabadaha
Xasan Sheekh oo boggaadiyay dadaalada mideynta iyo dib u heshiisiinta Galmudug
Arday Dhammaysay Dugsiga Axmed Gurey Galkacyo oo Xafladaysay (Dhegayso)

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerareen saldhigyada Ciidamada Dowladda & kuwa AMIOSM ku leeyihiin degmooyin iyo degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerareen ilaa 8 Saldhig oo Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan yihiin, kuwaas oo kala ah, Arbacoow, Lambar 60, Buufoow Bacaad,Awdhgeele, Danoow iyo Janaale.

Dadka degaannadaas qaarkood oo Daljir la xiriirtay ayaa waxaa ay sheegene inay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsadeen labada dhinac, hayeeshee aysan ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iskla difaaceen weeraradii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: