Xasan Sheekh oo boggaadiyay dadaalada mideynta iyo dib u heshiisiinta Galmudug

HomeWararka

Xasan Sheekh oo boggaadiyay dadaalada mideynta iyo dib u heshiisiinta Galmudug

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggaadiyay dadaalada Mideynta iyo dib u heshiisiinta ka socota Galmudug, kaddib markii Ma

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XIRITAANKA TARTANKA DOWLAD GOBOLEEDYADA DALKA
Yaasiin Cabdisamad: “Waa Muhiim cidkasta oo dambi laga galo in ay caddaalad hesho, sida Caasho Ilyaas oo kale”
Maxaa looga hadlay shirkii Golaha Wasiirada Puntland? (Daawo)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boggaadiyay dadaalada Mideynta iyo dib u heshiisiinta ka socota Galmudug, kaddib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor uu qaaday tallaab uu isku soo dhoweynayo dhammaan dhinacyadii ka aragti duwanaa doorashadiisa.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu ku boggaadiyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Xaaf sida dhiiranaanta iyo odaytinimada uu u qadariyay muhiimadda ay leedahay Galmudug mideysan.

Sidoo kale waxaa uu hambalyeeyay dadaalada Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug ee isugu jira Xildhibaanada labada aqal dadaalka loo galay mideynta iyo dib u heshiisiinta.

Xasan Sheekh iyo Xisbigga uu hoggaamiyo ee UPD ayaa horay u qaadacay doorashadii Galmudug, iyadoo Musharaxa Xisbiga oo ahaa C/raxmaan Odawaa uu ka haray tartanka doorashada, isagoo xilligaas ku eedeeyay in dowladda Federaalka in musharax kaliya u afduubtay hannaankii doorashada.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Xasan Sheekh:-

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan dadweynaha reer Galmuduga iyo hoggaankooda madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye (Qoorqoor.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa Madaxweynihii hore Mudane Axmad Ducaale Geelle Xaaf sida dhiirranaanta iyo odaytinnmada leh ee uu u qaddariyay muhimadda ay leedahay Galmudug mideysan. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa guud ahaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Galmudug iyo gaar ahaan xildhibaannada labada aqal ee baarlammaanka Federaalka ee Soomaaliya oo muddadii la soo dhaafay ku howlanaa mideynta iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Waxaan u rajeynayaa shacabka, maamulka iyo madaxda Galmudug, Guul, gobannimo iyo Galmudug MID AH oo NABAD ku waarta.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: