Kenya oo soo bandhigtay sawirka sarkaal ka tirsan Shabaab oo loo haystay in uu ku jiray gacanta sirdoonka DFS

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Kenya oo soo bandhigtay sawirka sarkaal ka tirsan Shabaab oo loo haystay in uu ku jiray gacanta sirdoonka DFS

Su’aalo kala duwan ayaa ka dhashay Sawirka nin ay Kenya soo bandhigtay oo ay ku sheegtay magaciisa Cabdi waaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tara

Caasha Geelle: “Haweenka Puntland waxay ku qayb iyo qoondo waayeen qallinka ragga” (dhegayso)
Somaliland oo dacwad dastuuri ah ka gudbisay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
MUUSE BIHI & SOMALILAND PLANNING NEW WAVE OF ATTACKS AGAINST SSC & PUNTLAND

Su’aalo kala duwan ayaa ka dhashay Sawirka nin ay Kenya soo bandhigtay oo ay ku sheegtay magaciisa Cabdi waaxid Khaliif Cabdi oo loo yaqaan Ciise Tarabuun, kaasoo bishii June ee sanadkii 2017 lagu qabtay howlgal ay Ciidamada Amniga Soomaaliya ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha.

Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa shir jaraa’id oo uu xilligaas qabtay ku sheegay in Ciidamada Amniga ay gacanta ku dhigeen Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab oo uu magaciisa ku sheegay C/waaxid Khaliif oo loo yaqaan Ciise Tarbuun.

Waxaa uu sheegay inuu ka dambeeyay dilalka ka dhaca Muqdisho oo bixin jiray fasaxa ugu dambeeya ee lagu khaarijiyo dadka sida uu yiri.

Hase ahaatee labo sano kaddib waxaa lagu soo baraarugay qoraal Booliska Kenya ku shaaciyeen bartooda Twitter-ka oo dadweynaha looga codsaday inay Booliska ku soo wargeliyaan ciddii aragta Ciise Tarabuun oo gudaha Kenya soo galay 24-kii bishan.

Arrintan ayaa durba dhalisay su’aalo kala duwan oo hareeyay baraha bulshada, qaabka ay ku suura gashay ninkan markii hore dowladda Soomaaliya ku sheegtay inuu yahay Sarkaal sare ama Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab u qaabilsan Magaalada Muqdisho.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: