Somaliland oo dacwad dastuuri ah ka gudbisay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa maanta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada u soo gudbisay dacwad dastuuri ah, kana dalbatay Guddomiyaha in uu asbuuc gudihi kaga soo jawaabo dacwadda, kuna eg 13ka Juun 2023.

Dacwadda ka dhanka ah Guddoomiyaha ayaa waxaa oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Somaliland, kuna eedeeyey Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif in “si cad uga horyimid jiritaanka iyo midnimada” waxa uu xeer ilaaliyuhu ugu yeeray ‘Qaranka JSL.’

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif oo ka soojeeda gobolada SSC-Khaatumo dacwadda laga gudbiyey ayaa la filayaa in ay tahay gogolxaar isku day xil-xayuubin. Guddoomiyaha ayaa ah xubin sare oo Xisbiga Waddani oo sida la filayo xisbugu uusan sinnaba raalli uga noqon doonin xal-ka-xayuubin Guddoomiyaha.

Waxaa kale oo la saadaalinayaa in dacwaddu ay tahay hordhac daaran xil kororsi horleh oo Madaxweyne Muuse Biixi, una gogolxaarta baajinta doorashada Madaxweyne ee illaa iyo hadda la isku mari la’yahay.

Diiwaanka wararka | Daljir Media


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

One response to “Somaliland oo dacwad dastuuri ah ka gudbisay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland”

  1. Cumar

    Waziir inaan noqdo codsi

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com