Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta ka doodaya waxka bedelka Dastuurka dalka

Xildhibaannada labada Aqal oo Maanta ka doodaya waxka bedelka Dastuurka dalka

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Isniin ah taariikhduna ay ku began tahay 12-2-2024 ay kulan wadajir ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in Maanta oo Isniin ah uu jiro kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan, isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Ajandaha Kulanka Maanta ee Xildhibaannada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay ka doodista waxka bedelka iyo ansixinta Dastuurka KMG ah ee dalka, kaas oo Madaxdii hore ee dalka ay kasoo horjeedaan.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa la filayaa inay Maanta sitoos ah u guda galaan ka doodista Dastuurka si laba todobaad kadib ay u ansixiyaan waxka bedelka lagu sameeynayo Dastuurka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com