HomeUncategorized

Xildhibaan Shariif xasan iyo xubno la socda oo Baydhabo u tegay arrimaha shiweyne halkaas ka socda

Baydhabo, December 7, 2013 - Xildhibaan shariif Xasan sheikh Aadan iyo wefdi uu hugaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka socdo shirweyne maamul loogu dhisayo.

Dhagayso: Barnaamijkii Caawa Iyo Daljir 03_August_2015 – Wariye Maxamed C/llahi Kooshin (Garowe)
DHEGEYSO-Qaar kamid ah kuraasta aqalka hoose ee Galmudug oo laysku haysto.
Madaxweyne Gaas oo Waraysi uu siiyay Daljir ku Canbaareeyay weerarkii Al-shabaab ee Garowe [DHAGAYSO]

Baydhabo, December 7, 2013 – Xildhibaan shariif Xasan sheikh Aadan iyo wefdi uu hugaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay, halkaas oo uu ka socdo shirweyne maamul loogu dhisayo gobollada koonfur galbeed ee dalka.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo waxgarad ayaa Baydhabo ku soo dhoweeyey gudoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya, haatana ah mudane ka tirsan baarlamanka federaalka ee Soomaaliya.

Shariif Xasan sheikh Aadan oo saxaafada la hadlay, waxaa uu sheegay in ujeedka safarkiisa uu salka ku hayo arrimaha shirka maamul u samaynta gobollada Bay iyo Bakool ee haatan ka socda magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Baay.

Ciidamada amaanka ee AMISOM ayaa la wareegay amaanka iyo ilaalinta Shariif Xasan iyo wefdiga la socda oo la dejiyey hotel Bakiin ee Baydhabo.

Gudoomiyihii hore ee baarlamanka Soomaaliya iyo xubanaha la socda waxaa la filayaa in ay wada-tashiyo la sameeyaan qaybaha bulshada iyo Odoyaasha dhaqanka ee shirarka maamul u samaynta ay uga socdaan Baydhabo, lama oga qorshaha dhabta ah ee shariif xasan sheikh Aadan.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: