Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Kenya oo xabsiga laga sii daynayo

Talaado, Ogoosto 04, 2015 (Daljir) — Dacwad-oogaha Maxkamadda magaalladda Nairobi, Dancun Ondimu ayaa shalay amray in la sii daayo Eedeysanahaasi oo lagu magacaabo Ali Abdul-majid Ahmed, kaasi oo la xiray bishii April 18-dii ee sannadkan.

Dacwad-oogaha ayaa sheegay inuu waqtigii Kama-dambaysta ee Boliska La-dagaalanka Argagixisadda dacwad ugu soo oogi lahaayeen Eedeysanaha ayaa dhamaaday.

Waxa kaloo uu amray in ay Boliska muddo 24-saacadood gudaheeda ku siiyaan Telefoon-gacmeedkiisa, oo ay horey uga qaadeen, si ay u baaraan Xogta ku kaydsan.

Boliska waxay horey ugu soo eedeeyeen Ali Abdul-majid Ahmed inuu ka tirsan yahay Xarakadda Alshabaab iyo inuu qorsheynayey inuu qarax ka geysto Dhismaha Barlamaanka Kenya ee magaalladda Nairobi.

Wa markii Labaad oo ninkaasi laga sii daayo Xabsiga, kadib, markii ay Boliska ku soo eedeeyeen inuu ka tirsan yahay Alshabaab sannadkii 2011-kii.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com