HomeUncategorized

Xasan Sheekh oo David Cameron u Hambalyeeyay

Axad May 10, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

Dad lagu soo qabtay falal amni darro iyo anshax xumo oo lagu maxkmadeeyay Bosaso
Duqa degmada Bandarbeyla oo soo dhaweeyey qorshaha horumarinta degmooyinka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Jabuuti.
Eng Camey oo ka qayb-galay Munaasabad kubadda Cagta ah oo lagu xusayay 01-da Agoosto

Axad May 10, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aaddan guusha Xisbiga Conservative uu ka soo hoyey doorashada Britain u direy Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mr David Cameron.

‘’Anigoo ku hadlaya Magaca Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaad iga guddoontaa hambalyo diiran adiga iyo xisbigaaga, gaar ahaan guushan weyn ee aad soo hoyseen ee kuu suurageliyey in mar labaad laguu doorto jagada ra’iisul wasaarenimada’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cashar ka barteen doorashadan , maadaama la isku diyaarinayo in markii ugu horeysey dalka Soomaaliya ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016 muddo dheer kadib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in labada dal xiriirkooda uu sii xoogeysan doonno, isla markaana Britain ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: