Xaflad lagu soo dhaweynayo magacaabista R/wasaare Farmaajo oo lagu qabtay St. Paul/Minneapolis, MN.

Minneapolis, Oct 31 – Xiisaha iyo rabitaanka dawladnimo ayaa si buuxda looga daalacanayey wajiyada Boqolaal Soomaalida reer Minnesota oo isugu soo baxay Xaflad lagu soo dhaweynayo magacaabida raisul wasaraha cusub ee Soomaaliya, oo xalay ka dhacdey Dhismaha Shirarka ee looyaqaano Convention Center oo ku yaala Bartamaha magaalda Minneapolis.

Xaflada yaa waxaa si wadajir u soo agaasimey jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Shirkan oo ay ka hadaleen masuuliyiin iyo indheergarad kala gadisan oo isgu jiray rag iyo dumarba, waxay dhamaantoodaba diirada saareen Muhiimada ay leedahay in la taageero sidoo kalena la’la shaqeeyo Raisul Wasaare Farmaajo.

Goobta waxa hadalo kooban ka jeediyey Xildhibaan Geedi Awhilowle ( Geedi Dheere) “Dhabaal Salaan ah ayaan idiinka sidaa Madaxweyne Shariif” ayuu hadalkiisii ku bilaabay Xildhiban Geedi Dheere, waxa uu sidoo kale ku guubaabiyey ka soo qeyb galayaashii in ay dhexda u xirtaan Sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen Nabad ku soo dabaalida dalka Soomaaliya. Isla goobtaas waxa hadalo kooban ka soo jeediyey Madaxa Puntland Diaspora Forum Waaxdiisa Minnesota mudane Mohamed Hassan Abgaalow oo isagu Hanbalyo balaadhan u soo jeediyey Raisalwasaare Maxamed Farmaajo.

” Maamul Gobaleedka Puntland waxa uu ahaa maamulkii ugu horeeyey ee taageera Magacaabista Raisul Wasaaraha Jaaliyada reer puntland na waxay hiil iyo hooba lagarab tagantahay Mudane farmaajo. Wada Shaqayn iyo talooyin wax ku oolba leh ayaanu ugu baaqaynaa Masuulkan Cusub” ayuu Mudane abgolow yiri isaga oo hadalkii sii ku soo gaba gabeeyey dhaliil dhinaca farsamada ah oo uu soo jeediyey gudigii qaban qaabada Shirkan.

Nimco Ahmed oo ku hadlaysay magaca dhalinyarada Reer Minnesota ayaa iyaduna jeedisay qudbad ay ku dhiirin galinaysay Dhilinyarada. Nimco ayaa sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in aqoonyahaniinta da’da yar ay dib ugu laabtaan dalkoodii hooyo, si ay wax ugu qabtaan. Nimco ayaa xustay go?aanka uu ku aqbalay Xilka loo magacaabay Raisal wasaaruhu uu yahay mid Kudayasho mudan. Dhinaca Kale Dr. Luul Cali Laari oo ku hadlaysay magaca haweenka ayaa ka codsatay Baarlmaanka Soomaaliya in ay joojiyaan is Jiid jiid ka siyaasadeed oo ay si buuxda u aqbalaan Raisal Wasaaraha Cusub oo ay waliba ula shaqeeyaan si hagar la’aan ah.

Guud ahaan dadkii ka soo qeyb galey Shirkan ayaa u muuqdey kuwo iyagu rajo iska tusaya magacaabidan cusub. ?Waxaan u arkaa in ay iminka jirto fursad cusub oo laga yaabo in Mareeykanku markan Soomaaliya taageero buuxda siiyo, maxaa yeeley waxaa la caleema saarey nin Mareykan ah,? ayuu Omar Ali yir oo ka mid ahaa ka soo qeyb galayaasha.

Goobta waxaan iyaguna ka maqneen Culuma u diinka Gobalka qaarkood oo iyagu ku duceynayeen in ilaahey Soomaaliya dhibta ka qaado. ?Ilaahey Soomaali dhibta ha ka dulqaado ? dadka dowlada alaha jecleysiiyo ? Dowlada mid ummada u shaqeysa allaha ka dhigo,? waxaa yiri Sh. Turaabi. Sidoo kalena Sheekh Sacad Muuse ayaa Soomaaliya nadad buuxda ugu duceeyey dadkana faray in ay nadada ka shaqeeyaan.

Waxa iyana xusid mudan in xafladan oo ku beegantay xili ay si xawliya u socdaan ololaha doorashooyinka xiliga dhexe ee wadankan Mareekanka. Sidaa daraadeed waxa madasha ka muuqday mudanayaal iyagu u tartamaya kuraas gobolka oo uu ka mid yahay wiil dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Sadik Warfaa, halkaasna ka jeediyey qudbad Xiisobadan oo uu codka Soomaalida ku dalbanayo. Isaga oo Warfaa isla markaa Hanbalyo u diray Mudane Farmaajo.

Sidoo kale waxa hadalo kooban isla meeshaas ka jeediyey Madaxa hayada African Development Center Mudane Xuseen Samatar isla markaana isagu noqonaya Soomaaligii ugu horeeyey ee taariikhda qabta xil doorasho ku yimi wadankan Mareekanka, oo isaguna ka mid ahaa musharixiintii Hanbalyada u diray raisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Waxaa iyana xiiso gaar ah lahayd bandhig Faneed ay so ban dhigeen qaarka mid ah fanaaninta Reer Minnesota oo ay ka mid ahaayeen Fanaanka caanka ah Nuuradiin Macalin Maxamed (Nuurcade), fanaanka Geedi, Hobalada Hodan Cabdiraxmaan iyo fanaanad Farxiyo Kabayare. Kooxdan oo uu hor kacayey Abwaanka dada yar ee Maxamed Guun oo isagu sameeyey heesiho cusub oo ey goobta ka qaadeen Hobalada reer Minnesota . Heesohaas aya ahaa kuwo talo bixin iyo waanooyin isugu jiray.

Raisal wasaaraha la magacaabey ayaa markii labaad maanta hortagidoona barlamaanka si loo ansixiyo. Hadii la ansaxiyo ayuu raisul wasaaruhu ku soo dhisidoonaa golahiisa wasaaradaha muddo bil ku kooban.


ABDIFATAH ABDINUR
Abdifatah Abdinur is a long time TV anchor, Rochester TV and freelance writer based in Rochester, Minnesota. Mr. Abdinur is also a community leader and activist. Mr. Abdinur is Madasha news anchor, editor and producer.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com