Xaaladda Dhaawacyadii Turkiga la geyeey Wax ka ogow

HomeWararka

Xaaladda Dhaawacyadii Turkiga la geyeey Wax ka ogow

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka m

Maxaad kala socota Hormarka Buursaalax? (sawirro)
Sirdoonka Kenya ” Waxaan Haynaa Xogta ah 200 oo Kenyaan Shabaab ah ”
Madashada Masuulka iyo weydiimaha dadweynaha

Qaar ka mid ah Dhaawacyaddii la geeyey dalka Turkiga ayaa Xaaladooda caafimaad kasoo reyneysa, iyadoo lagu guuleystay qaliino lagu sameeyey qaar ka mid ah 35-ta bukaan ee la geeyey xarumaha caafimaadka ee Dalka Turkiga.

Dhawaacyada loo qaaday dalka Turkiga ayaa waxaa loo qeybiyey afar isbitaal oo ka mid ah isbitaaladda ugu wanaagsan ee dalka Turkiga , 22 qof waxaa la jiifiyay Polati Hospital , 3 qof oo carruur ah waxaa la dhigay Deshkapi Hospital, 8 qof Ankara Namune Hospital halka 2 qof la seexiyay Ataturk Hospital.

Xaalada 10 ka mid ah dhaawacyada loo qaaday Dalka Turkiga ayaa ku jira xaalad adag, qaarkood coma ayay ku jiraan, kuwaasi oo la ogoleyn in la booqdo, qaarna goobta baxnaanada AMA ee gargaarka gaarka ah ayaa la jiifiyay, kuwaasi lagu guuleystay qaliinadooda, isla markaana ah kuwa la wareysan karo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: