Xaaladda Ammaan ee magaalada Galkacyo oo ka soo raynaysa, bandowga oo weli saaran magaalada, & hawl-gallada amniga oo la laban-laabay.

Galkacyo May 05 – Xaaladda ammaan ee magaalada Galkacyo ayaa u muuqata mid ka soo raynaysa maalinba maalinta ka danbaysa, uuna sii yaraanayo walwalkii iyo walaacii badnaa ee laga qabay xagga amniga iyo nabad-galyada.

Ka-soo-raynta ammaan ee magaalada Galkacyo ayaa loo tirinayaa kaddib markii ciidamada nabad-galyadu ay laban-laabeen hawl-galladooda la xiriira adkaynta amniga kuwaasi oo maalin iyo habeenba ku hawllan hawl-gallo is daba-joog ah oo lagu xaqiijinayo nabad-galyada magaalada.

Inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Galkacyo iyo baraha jidadku isku-dhaafaan ayaa habeennadii ugu danbeeyey lagu arkayey ciidamo kuwa amniga ah oo jid-gooyooyin dhigtay baaritaanno dheeraad ahna ku samaynayey dadka iyo gaadiidka inta si ay u hubiyaan.

Meelaha qaar ciidamada waxay qabteen dad iyo gaadiid goor-xun-socod lagu tilmaamay kuwaasi oo loo dhaadhiciyey saldhigyada magaalada baaris bilaysna loo bilaabay.

Dhinaca kale waxaa wali shaqaynaya bandawgii guddiga nabad-galyada gobolka iyo maamulku ay ku soo rageen magaalada kaasi oo si toos ah loo dhaqan-galiyey dhawrkii habeen ee ugu danbeeyey sababna u noqday in xilli hore la-faaruqiyo magaalada lana xiro dhammaanba goobaha ganacsiga iyo hoteellada intaba.

Galkacyo in muddo ah waxay saaxiib dhaw la ahayd dhibaato xagga amniga, waxaana daashaday dilal qorshaysan oo aan dhammaad lahayn kuwaasi oo bar-tilmaameedkuudu ahaa wax ku oolka bulshada, hasayeeshee hadda waxaad mooddaa in ay muuqato rajo amni.

Cabdifitaax C Geeddi,
Daljir Galkacyo.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com