Wiil Mareykan ah oo xalay lagu dilay dagaallo ka dhacay Muqdisho. [Akhris …]

Washinton, Sep 05 – Wiil Mareykan ah laakiin asal ahaan ka soo jeeda dalka Somaliya ayaa xalay lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u dhexeeyey ciidamada dawladda iyo xooggaga Al-shabaab iyo Xisbul islaam.

Wiilkaan oo lagu magaacabo Maxamuud Xasan ayaa ka mid ahaa labaatameeyo dhallinyaro Somali ah oo ka soo laabtay dalka Mareykanka si ay ugu biiraan xarakada Shabaab Al-mujaahidiin ee ka dagaalameysa Somaliya.

Warkaan la xiriira geerida Maxamuud Xasan ayaa laga helay xubno ka mid ah qoyskiisa oo jooga Mareykanka, waana wiilkii afraad ee ka mid ah dhallinyaradaas jihaad doonka ah ee ku dhinta Somaliya waxaana labo ka mid ay horay isugu qarxiyeen magaalooyinka Bossaso iyo Hargeysa sida ay sheegtay hay?adda sirdoonka Mareykanka ee CIA.

Maxamuud Xassan oo da?diisu tahay 23 ahna wiilka xalay dhintay ayaa jaamacad ka dhiganayey gobolka ay Somalidu ku badan tahay ee Manasota ee dalka Mareykanka, ka hor intii uusan Somaliya u soo kicitimin.

Axmed Sheekh Maxamed (Tallman)
Idaacadda Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com