Weriyaha VOA-da ee gobolka Mudug oo la sii daayey.

Garowe, Jan 06 – Wariyaha idaacada dawliga ah ee VOA-da ee gobolka Mudug Maxamed Yaasiin Isxaaq oo muddo bil ku dhaw ku xirnaa Garowe ayaa la sii daayey. Siidaynta wariyaha ayaa lagu xiray shuruud ah in uu ku ekaado hawlaha tebinta wararka, aanuna wax lug ah ku yeelan arrimaha siyaasadeed ama bulsheed ee gobolka Mudug.

Walow aan tafaasiil dheeraad ah laga bixin, xariga wariyaha ayaa lala xiriiriyey falal-dambiyeedyo ka dhacay billihii la soo dhaafay magaalada Galkacyo.

Wariye Isxaaq ayaa naqdiyey eedaha loo soo jeediyey.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.


Dawladda Maraykanka oo Puntland u soo jeedisay sii daynta wariyaha VOA-da.

Nairobi, Jan 06 – Dawladda Maraykanka ayaa si kulul uga hadashay xarigga wariyaha idaacadda VOA-da laandeeda af-Soomaaliga Maxamed Yaasiin Isaxaaq, kaasi oo in muddo ah ku xiran Puntland.

Agaasimayaha safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ee wadanka Kenya Mark Zimmer ayaa warasi uu isiiyey idaacadda Daljir si kulul uga hadlay xirnaanshaha wariye Maxamed Yaasiin Isaxaaq, wuxuuna sheegay illaa iyo haatan in aysan si rasmi ah u garan karin sababaha xariggiisa.

Agaasimuhu, waxaa uu sheegay in ay wali la yaaban yihiin la?aanta caddaymaha danbiyaha wariyaha loo haysto oo aan illaa iyo haatan la soo bandhigin, wuxuuna sidoo kale sheegay in ay ka walaacsan yihiin muddada la haysto iyo maxkamadda aan wali la soo taagin wariyahaasi.

Mark Zimmer agaasimaha safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi waxaa uu dawladda Puntland u soo jeediyey in si deg deg ah oo shuruuc la?aan ah lagu siidaayo wariye Maxamed Yaasiin Isaxaaq, loona soo celiyo xorriyaddiisii.

Md. Zimmer wuxuu tilmaamay xirnaansha wariyuhu in ay astaan u tahay cabburinta iyo daadinta lagu hayo wariyaasha, taas oo uu ku micneeyey in ay meel ka dhac ku tahay xorriyatul qawlka.

Dhankale agaasimihu waxaa uu ka hadlay xaaladda suxufiyiinta Soomaaliya ka shaqeeya, wuxuuna ku tilmaamay xaaladdoodu in ay tahay mid aad u adag, ayna jiraan dhibaatooyin joogto ah oo ay la kulmaan.

Md. Zimmer wuxuu tusaale u soo qaaday sanadkii tagay ee 2009, in ay jireen wariyaal la dilay, kuwo la dhaawacay iyo kuwo la kulmay handadaad, cago-juglayn iyo caqabado badan oo xagga shaqadooda ah, wuxuuna intaasi sii raaciyey in ay jireen idaacaddo gabi ahaantooba la xiray, kuwaasi oo dhammaatood ah dhibaatooyinka lagu hayo wariyaasha ka shaqeeya Soomaaliya.

Agaasimaya mar la weydiiyey saxaafarad ahaan inta ay le?eg tahay gacanta ay ka gaystaan taakulaynta wariyaasha, sida kobcinta aqoontooda, wuxuu sheegay in ay aad ugu hagar-baxeen isla markaana ay qabteen tababarro dhawr ah oo lagu kordhinayey xirfadda wariyaasha.

Hadalka safaaradda Maraykanka ee dalka Kenya eek u wajahan xaaladda wariyaasha ka hawlgala Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii ugu danbeeyey ay sii kordhayeen cabburinta iyo caadinta lagu hayo wariyaasha ka hawlgala dalka Soomaaliya.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com