Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sababta Loo Xiray Waddooyinka Muqdisho

Wasiirka Amniga Soomaaliya Oo Ka Hadlay Sababta Loo Xiray Waddooyinka Muqdisho

Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow ayaa ka hadlay sababta loo xiray Jidadka dhax mara qaar kamid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, waxa uuna Wasiirku sheegay in ujeedku yahay in lagu xaqiijiyo amaanka loogana hortago falal amaanka lidi ku ah.

Maxamed Abuukar Islow ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho in dulqaad ay muujiyaan maadaama waxa laga shaqeynayo ay yihiin amnigooda, una baahan yahay feejignaan dheeri ah.

“Si aan u sii xoojinayo amniga ciidanku waxay sameyn doonaan wax walba oo suuragal ah. Waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka xaafadaha dhex-dooda mara oo horey u furnaa ujeedka loo xirayna waa in lagu badbaadinayo shacabka Soomaaliyeed. Maalin walba qaraxyada iyo dhibabka ay geystaan argagixisadu waxaan ku weynaa nafta dadkeena qiimaha badan, si taas looga baaqsado waxaa lagama maarmaan ah in la xoojiyo amniga caasimadda lalana shaqeeya ciidamadda howlgalka ku jira”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay kooxihii dhawaan weeraray Maqaayada Pizza House iyo Hotelka Posh in aysan soo dhax marin Laamiyada ay joogaan ciidanka amaanka balse ay kusoo dhuunteen sida uu tilmaamay Wadooyinka jid cadayaasha ah.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya gaar ahaan kuwa loogu magac daray xasilinta caasimada ayaa howlgalo kawada magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidanka ka howlgalayaan laamiyada Muqdisho iyo qaar kamid ah xaafadaha iyaga oo baaritaano adag ku sameenaya dadka iyo gaadiidka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com