Wasiiradda Arrimaha IGAD oo kulan xasaasi ah yeeshay

Wasiiradda Arrimaha IGAD oo kulan xasaasi ah yeeshay

Wasiirada Arrimaha Dibbada wadamada ku jira urur goboleedka IGAD ayaa kulan aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Uganda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda wadamada xubnaha ka ah IGAD waxa ay ka doodeen xaaladda Suudaan iyo horumarka laga gaaray howlaha taabagelinta dib u noolaynta geedi socodka Koonfurta Suudaan.

Dhowaan ayaa dalka Sudan waxaa booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed isagoo waanwaan ka dhex bilaabay dhinacyada isaga soo horjeeda siyaasada dalka Sudan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com