Wasiir Qarjab: “Wariye Cumar Dheere in uu Xorriyadiisa Helo waa ku Hawlanahay … Mana Jiraan Sanaadiiq Sool iyo Sanaag la Keenayo” (dhegayso)

Wasiir Qarjab: “Wariye Cumar Dheere in uu Xorriyadiisa Helo waa ku Hawlanahay … Mana Jiraan Sanaadiiq Sool iyo Sanaag la Keenayo” (dhegayso)

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa beeniyay wararka sheegaya in Puntland ay aqbashay in gobolada Sool iyo Sanaag ay Soomaaliland keeni karto sanaadiiqda codbixinta ee doorashada maamulka Somalilaan.

Dhanka kale, Wasiir Qarjab oo aan waydiinay xarigga wariye Cumar Dheere oo maalintii shanaad ku xiran magaalada Garoowe ayaa noo sheegay in uu ku hawlan yahay sidii uu wariyuhu xorriyadiis u heli lahaa.

Wasiir Qarjab ayaa ku daray in uu ku qanacsanyahay Wasaarada loo dhiibay, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in xukuumada iyo bahda saxaafada uu isku soo dhawaynayo.

Md. Qarjab waxa uu Puntland ka soo qabtay xilal sare wuxuuna ahaan jiray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal, kadibna waxa uu noqday Wasiirka Amniga Puntland. Md. Qarjab ayaa waxa uu ka mid ahaa saraakiishii sare ee jabhaddii SSDF ee loo yiqiin Kulmis. Aqbalaada jagada Wasiirka Warfaafinta ayaa hore looga muujiyey tuhuno badan oo la xiriira in Md. Qarjab uu jagadaas aqbali doono, walloow uu markii danbe aqbalay.

Wariye Xasan Heykal ayuu Wasiirku u waramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com