Wasiir ku xigeenka Wasaradda awqaafta DFS oo soo dhaweyey Xujey

HomeWararka

Wasiir ku xigeenka Wasaradda awqaafta DFS oo soo dhaweyey Xujey

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Ca

Wasiir Beyle oo ka hadlay mushkilada dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Fahad Yaasiin oo Wasiiro iyo Masuuliyiin Ku Amray Inay 14 Beri Kaga Guuraan Villa Somalia

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, Cusmaan Aaden Dhuuboow, ayaa Magaalada Madiina Al-munawara ee Dalka Sacuudi Carabiya kusoo dhoweeyay Xujeyda Soomaaliyeed ee halkaasi gaaraya si ay ugu war qabaan xaaladda Xujeyda.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa Indha-Indhaynta iyo soo dhoweynta ah ku wehliyaan , Qunsulka guud ee Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah , Ilyaas Sheekh Cumar, la taliyaha Wasaaradda, Maxamed C/raxmaan Nadiif iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxay gaareen Garoonka Diyaaradaha ee Madiina, si ay ula socdaan Xujeyda halkaa tageysa iyo xaaladahooda guud.

Cusmaan Aaden Dhuuboow, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda awqaafta iyo arrimaha Diinta Soomaaliya, ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ballaaran oo la xiriira ka war qabka xaaladda Xujeyda iyo fulinta adeegyada ay u baahan yihiin, taas oo ah qorshe ay ugu tala gashay Dowladda Federaalka, isagoo intaa raaciyay in ay sii Laba jibbaari doonaan howlaha ay halkaasi u joogaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan u dirtay Dalka Sacuudi Carabiya Guddi ka shaqeeya saacidaadda iyo la socoshada Xujeyda Soomaaliyeed, iyagoo kormeer iyo u kuurgal ku sameeyay inta badan Garoomada ay ka degaan Xujeyda, goobaha ay ka deggen yihiin Dalka Sacuudiga iyo qaabka ay acmaasha u gudanayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: