WASIIR HORE JUXA: “FARMAAJO WAXA UU AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB”

HomeWararka

WASIIR HORE JUXA: “FARMAAJO WAXA UU AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in Farmaajo uu soo saaray wareegtadii

Madaxweyne Deni oo Qardho ka codeeyay (SAWIRRO)
Danjire James Swan oo soojeediyeey in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Jubaland & DFS
Puntland iyo Galmudug oo Maanta Gaalkcyo Heshiis Taarikh ah ku gaaray & Issimadda Puntland oo goobjoog ahaa (dhegayso+Sawiro)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in Farmaajo uu soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in kan uu yahay Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli aan laga soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha.

FARMAAJO OO AFGEMBIYEY VILLA SOMALIA 21 SANO OO DAWLAD-DHIS AH KA DIB

Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay.

Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto.

Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn.

Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay.
#TIME TO REFLECT

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: