Puntland iyo Galmudug oo Maanta Gaalkcyo Heshiis Taarikh ah ku gaaray & Issimadda Puntland oo goobjoog ahaa (dhegayso+Sawiro)

HomeWararka

Puntland iyo Galmudug oo Maanta Gaalkcyo Heshiis Taarikh ah ku gaaray & Issimadda Puntland oo goobjoog ahaa (dhegayso+Sawiro)

Magaaladda Gaalkcyo ee Xarunta Gobalka Mudug,gaar ahaan Guriga islaan Bashiir islaan Cabdulle waxaa lagu qabtay Munaasabad uu goobjoog ka ahaa Taliyah

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Masar oo kulan yeeshay
JIGJIGA oo ka GILGILATAY masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada sababeyna dhimasho & dhaawac (dhegayso)

Magaaladda Gaalkcyo ee Xarunta Gobalka Mudug,gaar ahaan Guriga islaan Bashiir islaan Cabdulle waxaa lagu qabtay Munaasabad uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka C/wali Jaamac Gorod ,Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland Janaraal Siciid dheere,Waxgaradka Labadda dhinac Galmudug iyo Puntland iyo Ganacsatada Gobalka Mudug.

Munaasabad kooban oo Aqalka Islaan Bashiir kadhacday ayaa labada dhinac Galmudug iyo Puntland ku gareen Heshiis lagu soo Afjarayo colaada Magaaladda Gaalkcyo ee Gaamurtay,waxaana dhamaan wajiyadda ka qayb galayaasha Shirka laga dhehaan karay farxad ku aadan siday ugu faraxsanyihiin shirka.

C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Munsaabada ka hadlay ayaa sheegay in Heshiiskan lagu dhamayn doono khilaafkii soo jiray ee u dhaxeyaay dhinacyadda Puntland iyo Galmudug,isago sheegay inuu rajo wayn ku qabo in laga gudbo wax kasta oo keeni kara kala shaki iyo colaad isla markaana laga gudbo dadka warka xun u kala sheegaya maamulada Puntland iyo Galmudug.

Islaan Bashiir islaan Cabdulle oo isna hadlayaay ayaa u duceyaay Shacabka labadda dhinac u duceyaay,isago sheegay in loo baahanyahay mar walba in laga shaqeeyo maslaxada Guud,wuxuuna ugu baaqay shacabka & labadda Maamul in mar walba laga shaqeeyo Nabadda.

Guddoomiyasha Gaalkcyo ee labadda dhinac Galmudug iyo Puntland ayaa iyagana dhinacoda sheegay inay xoojin donaan Heshiiskan,isla markaana ay ka kahortagi donaan Colaad dambe oo kadhacda Gaalkcyo.

Codka Taliye Gorod

Codka Islaan Bashiir

Codka Mumuladda Galmudug iyo Puntland 

 

Maxamed Lakiman
Daljir Garowe

Hoos Kadaawo Sawiradda

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: