JIGJIGA oo ka GILGILATAY masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada sababeyna dhimasho & dhaawac (dhegayso)

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

JIGJIGA oo ka GILGILATAY masaajidada lagu gubay kililka Amxaarada sababeyna dhimasho & dhaawac (dhegayso)

Shacabka Jigjiga ayaa maanta isusoobax ballaaran isugu yimid ayaga oo si weyn uga bannaanbaxay masaajidada lagu gubay kililka Axmaarada. Bannaanbaxa o

HOGGAANKA SARE EE MAAMULKA DAWLADDA DEEGAANKA SOOMAALIDA (DDS) OO KULAN YEESHAY
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cagjar oo booqday Gobolka Qoraxay (Sawirro)
SITTI (DDS): Barakacayaasha garbociise & Daruufaha haysta (Sawirro)

Shacabka Jigjiga ayaa maanta isusoobax ballaaran isugu yimid ayaga oo si weyn uga bannaanbaxay masaajidada lagu gubay kililka Axmaarada. Bannaanbaxa oo hore dowladdu ugu diyaargaroowday, shacabkana looga digey in ay bannaanbaxaan, ayaa shaaricyada waaweyn ee magaalada waxaa maalmihii la soo dhaafay la dhoobay ciidamada koofiyad casta ee Liyuu Booliska.

Bannaanbaxa oo sii ballaartay ayaa si loo kala diro bannaanbaxayaasha waxa ay ciidamada dowladdu adeegsadeen xabbado nool oo ka dhacaya qoryaha fudud ee AK47 iyo kuwa waaweyn ee loo yaqaan Bareemka (BKM).

Kaddib markii ciidamada Liyuu Boolisku ay shacabka ku fureen xabbado nool, bannaanbaxa ayaa isla markiiba isu badalay mid rabshadeysan, markii danbena sababay in xabbadaha nool ay haleelaan kuna dhintaan laba qof oo bannaanbaxayaasha ah, kuna dhaawacmaan shan kale.

Sida ay nala qaybsadeen shacabka maanta mudaharaadey, waa bannaanbixii ugu horreeyey taariikhda Jigjiga oo shacabka Jigjiga ay si xor ah u bannaanbaxaan, ayaga oo aan dowladdu abaabulin.

Hoos ka dhegayso waraysi ku saabsan bannaanbaxa maanta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga