Dib u dhac ku yimid Shirkada Madasha ee 27ka Bishan Muqdisho Lagu Ballansanaa

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee la filayay in 27ka bishan December uu ka furmo magaalada Muqdisho uu dib u dhac ku yimid.

DIb u dhaca ayaa wararku ay sheegayaan inuu yimid kadib markii uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu codsaday in dib loogu dhigo sababo la xiriira khilaafka ka taagan magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa codsaday in la siiyo muddo todobaad ah oo lagu dhammeynayo shaqaaqadii ka dhacday magaalada Boosaaso.

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa gaaray maanta mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen ra’iisul wasaarayaashii hore Cumar Cabdirashiid,Cabdiweli Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com