Danjire James Swan oo soojeediyeey in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Jubaland & DFS

Danjire James Swan oo soojeediyeey in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka Jubaland & DFS

Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay maanta Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

James Swan ayaa ka sheegay shirka caalamiga in ay muhiim tahay in xal loo helo Siyaasadda loo dhanyahay, isla markaana loo diyaar garoobo wadahadalo ay yeeshaan Dowladda iyo dhinacyada kale.

“Waxaa loo baahan yahay in la dhammeeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo maamulka Jubbaland, lagana gudbo su’aalaha ka dhashay awood qeybsiga,” ayuu yiri Danjire Swan.

Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com