Wasaaradda qorshaynta Puntland oo soo bandhigtay wax-qabadkeedii 6-dii bilood ee tagay, iclaamisayna tallaabooyinka u qorshaysan hadda.

Garowe, July 27 ? Wasaaradda qorshaynta Puntland ayaa maanta ku qabatay xarunteeda magaalada Garoowe kaasoo ay ku soo bandhigaysay wax-qabadkeedii 6-dii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kalena iclaamiyey tallaabooyinka u qorshaysan inta ka dhimmaan sannadda 2011.

Kulankaan maanta ka dhacay hoolka shirarka wasaaradda ayaa waxaa qayb-galay hay’adaha caalamiga ah ee ay wada-shaqaynta leeyihiin wasaaradda iyo sidoo kale qaar ka mid ah wasaaraha Puntland ee uu xiriirku ka dhaxeeyo iyo marti sharaf lagu marti-qaaday munaasabadda wax-qabad muujinta ah ee wasaaradda qorshaynta Puntland.

Faysal Siciid Muuse, oo ah agaasimaha guud wasaaradda qarshaynta Puntland, ayaa fasiraad dheer ka bixiyey tallaabooyinkii u hirgay wasaaradda muddadii lixda bilood ahayd ee u dambaysay, isagoo xusay in ay ugu waaweynaayeen diiwaan-galinta mutacalimiinta reer Puntland iyo qaabaynta hay?adaha kala duwan eek a hawl-gala deegaannada Puntland.

Agaasimuhu, waxaa kaloo uu iftiimiyey muddada ka dhimman sannadkaan aynu ku jirno ee 2011, in ay u qorshaysan tahay hirgalinta dhawr arrimood oo aad u muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid yihiin isku xirka wasaaraaddaha dawladda, ka shaqaynta horamarinta shaqaalaha dawliga ah, isagoo dhinac kalena sheegay in ay ku talo jiraan samaynta gole aqooneed ka tala-bixiya hormarka iyo hour-socodka Puntland.

Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com