Wasaaradda Caafimaadka Puntland: “Puntland Daacuun kama Dillaacin ee waa Shuban-biyood”

Wasaaradda Caafimaadka Puntland: “Puntland Daacuun kama Dillaacin ee waa Shuban-biyood”

FARRIIN RADIO DALJIR: Ka feejignoow Daacuunka iyo Shuban-biyoodka oo ha Cabbin Biyo aadan Karkarin!

Ayada oo deeegaano badan oo Puntland laga soo sheegay cudurka shuban-biyoodka, meelaha qaarna dad u dhinteen, dadna weli la jiifaan, ayaa Wasaaaradda Caafimaadka Puntland waxay ku dhawaaqday in Puntland uusan DAACUUN ka jirin (cholera/koolera) ee kaliya ay tahay waxa jira cudurka shuban-biyoodka.

Wasaaradda ay sheegtay in cudurku ka dhashay biyaha wasakheysan ee roobabka iyo xoolihii diraacda bakhtiyey oo aan meelaha qaar la gubin. Sidaas waxaa Radio Daljir ugu warramay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimadka Puntland, Cabdirisaq Xirsi Xasan, oo waraysi gaar ah siiyey Radio Daljir, wuxuuna u waramay Cabdixakiin Xusein Xasan, Daljir Garoowe.

Hoos ka dhegayso

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso abaalmarin AMAL Bank. "AMAL BANK. YOUR FUTURE. OUR MISSION."

AMAL Bank ku Dirso, ku Keydso, ku Maalgasho! Hadaba si aad u hesho abaalmarin AMAL BANK qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]
AMAL Bank. "Your Future. Our Mission"

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0