Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil: “Carabtu waa Dameer Madax-adag” (kartoon)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil: “Carabtu waa Dameer Madax-adag” (kartoon)

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Israa'iil ayaa asbuucaan si daran foodda u dartay siyaasadda, hogganka iyo dadnimada dowladaha Carbeed. Sida a

Wasiirka Dekedaha: “Muhiimadda Dhismaha Dekedda Bossaso waa Dhoofka Shidaalka, Macdanta iyo Kalluumaysiga”
Farriin siyaasadeed 2018-2019: Olalaha Musharrax Madaxweyne Kuxigeen Camey – Camey & Ammaanka Puntland
 DUMARKA GUNTIGOODA WAA LA FURTAYE MAXAA GARAADKOODA LOO DIIDAY ?

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Israa’iil ayaa asbuucaan si daran foodda u dartay siyaasadda, hogganka iyo dadnimada dowladaha Carbeed.

Sida aan ka soo xiganay jaraa’idka Times of Israel, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Israa’iil, qaybta Carabta, oo danteedu aheyd baraarujinta shucuubta Carabta, ayaa asbuucaan daabacday kartoon ay ku tilmaantay mid u dhigma xaalka dunida Carabta ee maanta.

Kartoonka oo ah sawir gacmeed muujinaya nin Carab ah oo saaran dameer (baqal), ishana la raacaya hormarka ay Israa’iil gaartay iyo kan timaadadeeda, kaas oo tilmaamaya Israa’iil oo gawaaridu duulayso oo magaalooyinkeeduna cirka heehaabayaan, meesha dunida Carabtu maanta aysan waxba dhaamin, kana badin weyday rarashada dameeraha iyo baqlaha.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa damacsan in ay dunida Carabta u tilmaanto in aysan cunoqabateynta Israa’iil meel ku gaari doonin, ee ay hormar ku gaari karaan wax-wada-qabsi iyo iskaashi, haddii intaas la helana ay Carabi ka bixi doonto casri-jaahilga ay weli dhex heehabeyso.

Kartoonka ayaan dadka qaar u bogin, ayada oo loo arkay mid cunsuri ah oo lagu liidayo dunida Carabta.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa waxaa kamid ahaa, “sida Ingiriisku ku maahmaaho, haddii waxba kuu qabsoomi waayeen, wax la’aan waxaa dhaanta adoo dhanka kale ku biira. Marka waxaa la gaaray waqtigii iskaashiga Israa’iil iyo dariskeeda, si dalalka golbolka oo dhan ay u wada gaaraan timaado iftiin badan, meesha hadda aad ka badin la’dihiin cunaqabateyn iyo casri-jaahili.”

Qoraalka ayaa waxaa kale oo lagu muujiyey, “haddii la rabo in isbaddal dhab ahi uu ka hirgalo Bariga Dhexe, taas waxaa lagu gaari karaa oo kaliya Carab oo ogaato in xiriir ay Israa’iil la yeelato uu yahay mid Carab faa’iido u leh.”

Kartoonka ayaa sawiraya nin Carab ah oo dameer fuushan oo ku qaylinaya “waa ku cunoqabateeyey Israa’iileey.” Dameerka (ama baqalka) oo Carabka ku jeesjeesaya ayaa ku jawaabaya, “war waxaa tahay nin madax-adag sida dameerkii.”

Dhanka kale iyo Israa’iil iyo magaaladeeda oo ay ka muuqdaan hormar baahsan oo timaadada ayaa waxaa hoos uga qoran, “Ku soodhawaada Israa’iil.”

Kartoonka aad baa looga dhaleeceeyey dalka Israa’iil iyo dunida carabta oo dhan, waxaana badanaa loo arkay mid cunsuri ah oo aan ku habooneyn in la daabaco, iskaba daa in ay dowladi daabacdo e.

Hadaba qofka Soomaaliga ah sidee u arkaa kartoonka? Dhanka kale, ma jiraa hormar xidido leh oo la tilmaami karo oo ay Carabi gaartey qarniyadaan, dhan cilmi sayniska, taknoolijiyadda ama dhanka hormarinta bulshada? Mise jiraa hal qof oo Carab ah oo qarnigaan ku guulaystay Nobel Prize saynis, xisaab ama taknoolajiyad? Ma la tilaami karaa hormar aan ka aheyn kan iibka iyo maamulka saliidda iyo shidaalka oo dal Carbeed gaaray?

Dhanka Israa’iil iyo waliba Iran, la iskuma hayo in ay gaareen hormaro saynis iyo mid taknoolaji ahba, israa’iil haba ugu hoorayso Bariga Dexe oo dhan e.

Marka la fiirsho xaalka Soomaaliya maanta ku sugantahay, xiriirkeeda carbeed iyo midka aan jirin ee Israa’iil iyo Iran, saameyn intee le’eg ayey siyaasadda Israa’iil iyo tan Carbeed ku leedahay Soomaaliya?

Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badan iyo saameynta siyaasadda Bariga Dhexe ay ku leedahay Soomaaliya, siiba dagaalka Yemen, kan Siiriya, kan qaboow marna kulul ee u dhexeeya Sacuudiga iyo Iran, waa kuwo u yaal in uu ka baaraandego hoggaamiyaha iyo siyaasiga Soomaaliyeed, saameynta ay Soomaali maanta ku leeyihiin dartood.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

………………………………………………………..

Maqaalka Times of Israel oo ku qoran afka Ingiriiska hoos ka akhriso 

………………………………………………………..

ISRAEL: Foreign Ministry cartoon depicts Arab world as a man on a mule

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: