DUMARKA GUNTIGOODA WAA LA FURTAYE MAXAA GARAADKOODA LOO DIIDAY ?

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

 DUMARKA GUNTIGOODA WAA LA FURTAYE MAXAA GARAADKOODA LOO DIIDAY ?

  Waxaan aad iiga yaabisay Puntland oo maanta 20 jirsatay in 66 xildhibaan ay hal gabar ah ku jirto inta kalena rag  yihiin .Puntland sidan aa

DAREEN 24aad: Abaarta SIMA iyo Saamaynteeda (dhegayso)
Bayaanka Nadwada 15aad Boosaaso: Ka Digtoonaada Baadinimada iyo Kufriga
BADBAADO: COVID oo Puntland ku soo Labakacleeyey | Taxanaha 1aad (daawo)

 

Waxaan aad iiga yaabisay Puntland oo maanta 20 jirsatay in 66 xildhibaan ay hal gabar ah ku jirto inta kalena rag  yihiin .Puntland sidan aan wada ognahay maalintii la dhisay dalku burbur ayuu ku jiray  ma jirin  Dawlad dhexe  oo dalka maamulaysay dalku shaqo ma lahayn   dadku wada qaxooti ayuu ahaa. Marka maamul la dhisayo waxaan wada ognahay in waxa ugu muhiimsan ee loo baahanyahay ay tahay dhaqaale  dhaqaalahaas waxaa laga soo saaray gunti dumar. haweenku waa kuwo mar walba leh kayd waana kuwa mar walba reereka kaalmeeya. Waxaan  marna la inkiri karin doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin dhismaha  maamulka  maaraynta iyo waliba muruqa .

 

 

Hadaba maxay tahay sababta dumarka Puntland loo qadiyay ma ayaga ayaan rabin oo uusan ku jirin damac siyaasadeed mise waa loo diiday?

 

Way jiraan gabdho badan oo damac siyaasadeed ku jiro waxaana isa soo sharaxay ilaa 15 dumar ah laakin hal gabar ah ayaa ka heshay intii kalena waa waayeen oo taasi ma cadaaalad?   haa oo  cadaaladuba waa in aysan dumarku xil qaban xikmad samayn. marka uu nin is sharaxayo waxa ugu badan ee taageera dhan dhaqaale iyo dhan dhuuniba waa dumar maalinta uu ninkaasi guulaysto waxa garab taagan ee gacalka u ah gaaraadkana ka dhista waa dumar, ma aqaan colaada gaamurtay iyo ciilka raagay ee dumarka loo qabo halka uu ka yimi! Haddi marka loo baahdana loo barooranayo marka la idin boqrana aad dumarka qadiseen ragow waxaa ii cadaatay in dumarku aysan Puntland waxba ku lahayn. Dumarka waxaan leeyahay haddi qaab qabiil lagu soo doortay 66 xildhibaan ee Puntland  cidii idin qadisay waa qabiilada aad ka dhalateen waxa ugu badan ee aad qaaraanka siisaan waa ayaga maxaa xoolihiina ku dhiibtaan hadiiba aydaan tirada ugu jirin tolkiina? waxaan rumeyay  oraahda ah naagi tol ma leh .

 

Abaayo, habaryar, eedo ama ayeeyo xaqa iyo xuquuqda kaa maqan oday kuuma soo dhicinayo kumana siinayo gabadh kasta oo damac siyaasadeed ku jiro waxaan oran lahaa banaanka ha timaado hana rumayso riyada ay leedahay iska ilow inaad tol danbe lacag ku bixiso ama aad nin danbe oo musharax ah been ku taageerto. ma arag cid ka hadashay qadinta dumarka la qadiyay nin walba tiisu u halgamaya maxaa idiin diiday tiina inaa u halgantaan?  mise dalka waxba kuma lihidin oo ragga kaliya leh? waxaan hubaa hadii taladu ay gacantiina soo gasho dumarow in Puntland ay  u hayaamayso nabad iyo horumar in Puntland gaarayso doorasho qof iyo cod ah inaad tusaale  fiican u noqonaysaan maamulada dalka ka jira.

 

Waxaa jira dumar badan oo aan hubo aqoontooda iyo kartidooda  oo hadii ay ku soo biiraan siyaasada Puntland inay  wax badan badali lahaayeen  laakin oday qabiil ayaa hor taagan markuu jeebkiisu martana u  imaanaya dumarka markii jago  la rabana ragga siinaya wax walba.

 

Dumarku waa gacal naxariis badan waa  mida garashada iyo guusha kuu horseeda ma jiro nin ka maarma dumar nin walba  gabar qurux badan ayaa guriga u joogta ayada ayaa ka dhigtay qofka uu yahay hadana ma  doonayo inay talada wax ku yeelato!

 

Waxaa oranaya dumarka Puntland maanta waa qadeen laakin ha quusanina oo  qaladkina saxa  qabiil danbena ha ku tashanina dalka idinkaa leh aaayihiisa iyo arimintiisa .  nolosha dumar ayaa quruxda u yeela meel aan dumar ka talinayn anigu ma aaminsani inay sii shaqayn karto ama sii socon karto .

 

Dumarnimaa dadnimo abuurta .

 

WQ  Khadra M Abdulle

[email protected]

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: