Wasaaradda Amniga Galmudug oo lagu wareejiyeey Gadiid dagaal iyo Ciidan (Sawiro)

HomeWararka

Wasaaradda Amniga Galmudug oo lagu wareejiyeey Gadiid dagaal iyo Ciidan (Sawiro)

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgadud.

Wasiiro Cusub oo lagu dhaariyeey Madaxtooyada Garoowe (Daawo)
Wasiirka Amniga Dalka oo Doxa kaga qayb galay Shir Caalami ah
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa shalay la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad deegaanka Balanbale ee Gobolka Galgadud.

Dadka deegaanka Balanbale ayaa ku wareejiyay Wasaaradda Amniga Galmudug hubka iyo gaadiidka dagaal, kuwaasoo la xareeyay, qeybna ka noqon doonaan dhismaha Ciidanka daraawiishta Galmudug.

Madaweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, Madaxweyne kuxigeenka Cali Ciid, Wasiirka Amniga iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabada ay dadka reer Balanbale ugu wareejinayeen hubka iyo gaadiidka.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday qorshayaal ay hubka ugala wareegeysay maleeshiyaadka, si loo qarameeyo, loogana dhigo ciidanka daraawiishta Galmudug, waxaana horay ula soo wareegtay hubka, gaadiid iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaahiye Qoorqoor ayaa maanta la filayaa inuu gaaro degmada Guriceel, halkaasoo lagu soo gabagabeyn doono socdaalkiisa Nabadda ee todobaadyadii u dambeeyay ku tagay deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: