Wasiirka Amniga Dalka oo Doxa kaga qayb galay Shir Caalami ah

HomeWararka

Wasiirka Amniga Dalka oo Doxa kaga qayb galay Shir Caalami ah

Wasiirka Wasaaradaa Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kasoo qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) o

Waxgaradka Galmudug:” Dhiig la daadiyo dan inoguma jirto (Daawo)
DFS oo sheegtay in maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysteen Xeebaha Somalia
Baabuurtii badeecadaha ka soo qaaday Hargeya & Berbera oo kantoroolka Laascaanood dib looga celiyey.

Wasiirka Wasaaradaa Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa kasoo qayb galay Shirka Shanaad ee Booliska Adduunka (INTERPOL ) oo looga hadlayey la dagaalanka ka ganacsiga Dadka iyo Tahriibka.

Shirka ayaa ka Qabsoomay magaalada Doxa ee Caasimada dalka Qatar 6-dii iyo 7-dii Bisha December, Waxaana Kasoo qayb galay Wufuud ka socotay dhamaan Dalalka Caalamka.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Qatar oo uu ka mid yahay Wasiirka Maamulka Horumarinta Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee dalka Qatar, Waxayna labada dhinac ka wada hadleen Sidii la isaga kaashan lahaa Xidhiidhka INTERPOLKA iyo Sida Shaqooyin iyo Tababar loogu samayn karo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: