DFS oo sheegtay in maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysteen Xeebaha Somalia

HomeWararka

DFS oo sheegtay in maraakiib si sharci darro ah uga kalluumeysteen Xeebaha Somalia

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maraakiib wadata Calanka Dowladda Iran ay sharci daro ah uga kaluumeysanayaan Badda Soomaaliya.

Doorashadda golaha degaanka cadaado oo socota & Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay
KHADAR CAWIL ISMAACIIL OO AH XOGHAYA WARFAAFINTA & XAQUUQUL INSAANKA NUSOJ AYAA SHARAXA MUHIIMADA MAALINTA RAADIYAHA
Wacaal daray ah: Qarax khasaare gaystay oo lala eegtay ciidamo Itoobiyaan

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in maraakiib wadata Calanka Dowladda Iran ay sharci daro ah uga kaluumeysanayaan Badda Soomaaliya.

War qoraal ah ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay In mudadii u dhaxeysay January 2019-14-04-2020 la ogaaday 112 markab oo kaluumeysanaya.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in marnaba aysan aqbali doonin maraakiibta sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya, isla markaana tallaabo ka qaadi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay ugu digtay Maraakiibta sida Sharci darrada ah uga Kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya, iyada oo ay jireen Maraakiib Kalluumeysi oo dowladda Soomaaliya ay dul-dhigtay Ganaax lacageed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: