Qarax ismidaamin ah oo saaka ka dhacay Muqdisho

HomeWararka

Qarax ismidaamin ah oo saaka ka dhacay Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay Xarunta Turubtaariyada ee Ilaalada Canshuuraha degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdis

Aqoonyahan si kulul uga hadlay hadalki ka soo yeeray madaxa shirkadda DP World (dhegayso)
Maraykanka oo shaaciyay in ciidamadiisu ka qeybgaleen Howlgalkii Janaale
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo saaka ka dhacay Xarunta Turubtaariyada ee Ilaalada Canshuuraha degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan qaraxan oo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu dhiftay afaafka hore ee Xarunta Ilaalada Canshuuraha oo ka soo horjeeda Dekeda Muqdisho.

Gaariga qaraxa fuliyay ayaa waxaa waday ruux naftii halige ah, waxaana uu ahaa inuu ahaa nuuca Surf loo yaqaano sida dad goobjoogayaal ay sheegeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in qaraxa uu sababay khasaare kala duwan, inkastoo uu kooban yahay.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa ka dhacay ayaa muujinayay burbur qeybo ka mid ah xarunta Ilaalada Canshuuraha, waxaana goobta soo gaaray Ciidanka Booliska ee dambi baarista.

Qaraxan ayaa ah kii u horreeyay oo muddo lix bil kaddib ka dhaca Muqdisho, kaddib qaraxii dadka badan ku dhinteen ee dhamaadkii bishii December 2019 ka dhacay isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: